HARGEYSA(HALBEEG)- Gudigga xuquuqul insaanka ee Soomaalilaan ayaa walaac ka muujiyeen xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo labo toddobaad ah ku xiran xabsiga Mandheera ee magaalada Hargeysa.
Guddiga oo booqday xildhibaanka ayaa waxay sheegeen in lagu xadgudbay xasaanaddii xildhibaannku lahaa oo aan la dhowrin.
Waxay maamulka ugu baaqeen in xidhibaanka uu helo xuquuqdiisa dhanka cadaaladda.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in sii xirnaashaha xildhibaanku ay walaac hor leh keeneyso
Guddiga xuquuqul insaanka ayaa waxa ay soo jeedinayaan in sida ugu dhaqsaha badan uu u helo xuquuqdiisa cadaaladeed.
Qoyska xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladdiisu wanaagsantahay isla markaana hooyadii loo ogolaaday in ay ku booqato xabsiga.
Xildhibaan oo weli ku xiran Hageysa ayaan maxkamad lasoo taagin iyada oo guddigu ay sheegeen in aan la tixgelin xildhibaanka maadama uu xasaanad leeyahay.
Maamulka Soomaalilaan weli kama aysan jawaabin soo jeedinta guddiga xuquuqul insaanka.