BEIRUT(HALBEEG)- Milatariga Israel ayaa qaraxyo waaweyn ku weeraray koofurta Lubnaan halkaas oo ay sheegeen in ay ka bilaabeen weerarro baahsan oo ay ku bartilmaameedsanayaan Xisbullaah kaddib markii shalay Israa’iil lagu weeraray gantaallo waaweyn.
Israa’iil ayaa sheegtay in weerarrada maanta la filayo in ay dhacaan ay muhiim u yihiin.
Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay saaka in dadka deggan koonfurta Lubnaan la siiyay fariin ah inay ka fogaadaan xarumaha Xisbullah.
Wuxuu sheegay in Israa’iil “ay sameyn doonto wax kasta oo loo baahan yahay” si ay si nabad ah ugu celiso dadkii laga soo daad gureeyay guryahooda oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil.
Axaddii shalay ururuka Xisbullah ayaa150 gantaal ku tuurtay Israa’iil taasoo ay ku sheegeen in ay uga aargoosanayso weerarradii dhawaan lagu bartilmaameedsaday.
Israa’iil iyo Xisbullaah ayaa hawada isku marinaya hanjabaado ku saabsan in ay kordhinayaan weerarada xuduudaha ah, inkastoo ay soo baxayaan dalabyo caalami ah oo la xiriira dejinta xiisadda.