DHUUSAMAREEB(HALBEEG)- Hay’addaha u xil saaran dib u eegista iyo wax ka beddalka dastuurka kumeel gaarka ee Soomaaliya ayaa biloowday la tashiyo lagala sameynayo bulshada shan cutub oo ka mid ah dastuurka, kuwaas oo la doonayo in ugu dambeyn loo gudbiyo barlamaanka federaalka.
Barlamaanka ayaa horey u ansixiyay dib u eegista iyo wax ka beddalka afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, waxaana hadda la guda galayaa shanta cutub ee ku xiga.
La tashiyada shanta cutub ayaa ka bilaabmay magaalada Dhuusamareeb, waxana la tagi doonaa magaalooyinka kale ee maamulka GalMudug.
Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud, oo hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhammaan ay tagayaan dowlad goboleedyada.
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in afti dadweyne ay imaan doonto marka la dhameystiro dib u eegista 15ka cutub baarlamaanka ansixiyo.