GAROWE(HALBEEG)- Hoggaamiyaha Buntilaan, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale ku celiyay in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal ay la galaan dowladda federalka kaddib wada shaqeyn la’aan muddooyinkii dambe ka dhexeysay labada dhinac.
Wadahalka ayuu Deni sheegay inuu noqonayo mid ah madal furan oo lagu garnaqsado ayna doonayaan inay cid walba ka qayb galaan.
Hadalkaas ayuu ka sheegay xilli uu kulan casho la yeeshay ergooyin kala duwan oo maalmahan Garoowe kaga qeybgalayay shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato xarunta cilmi-baarista ee PDRC.
Maamulka Buntilaan ayaa horay u sheegay inay gooyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen dowladda federalka markii baarlamanka Soomaaliya isbeddello ku sameeyey qaar ka mida qodobbada dastuurka.
Buntilaan ayaan ka qaybgalin dhowrkii shir ee ay yeesheen madaxda wadatashiga Qaran oo ka dhacay Muqdisho.