MUQDISHO(HALBEEG)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay labo xubnood oo ka mid noqonm doona la taliyeyaashiisa.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee madaxweynaha ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, halka Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay La-Taliyaha Sare ee madaxweynaha Arrimaha Federaalka.
Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.