KATHAMANDU(HALBEEG)- Daadad ku dhuftay dalka Nepal oo uu dhul go’ ku lammaanaa ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen dad tiradooda ka badantahay 100 qof.
Mashaqadan oo dhacday labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay ayaa sababtay in ay xirmaan waddooyinka ugu muhiimsan dalka taasoo carqalad gelisay isu socodka gaadiidka iyo gurmadka.
Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto kaddib markii lasoo wariyay in la la’yahay ku dhawaad 7 qof. Saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 60 qof.
Dadka dhintay ayaa intooda badan ku noolaa dooxada Kathmandu oo hooy u ah dad gaaraya 4 milyan oo ruux isla markaana ah caasimadda waddanka.
Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doonyaha caagga ah ayaa isku dayaya in ay dadka kasoo badbaadiyaan saqafka kore ee guryaha, kaddib markii ay biyaha garqiyeen guryaha joogga gaaban iyo gaadiidka intaba.
Wabiyada dalkaan ku hoos yaalla buurayaha Himilaya ayaa karkaarrada jabsaday kaddibna ku fatahay deegaannada, taasina waxay ka danbeysay kaddib markii ay guud ahaan gobolka Koofurta Aasiya ay ka da’een roobabka sannadka ee maansuunka.