JABUUTI(HALBEEG)- 45 qof oo tahriibayaal ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti, kaddib markii laba doon oo ay la socdeen ay quuseen sida ay sheegtay Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay.
Laanta IOM waxay sheegtay, in doonyaha qarraqmay oo kasoo shiraacday xeebaha Yemen ay la socdeen ilaa 310 qof, isla markaana ilaa iyo hadda la badbaadiyay kaliya 32 ka mid ah muhaajiriinta.
Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku dartay in ay hadda ay socdaan howlgallo gurmad ah oo ay wadaan adeegga gurmadka degdegga ah ee Dowladda Jabuuti, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka la la’yahay.
Wali lama shaacin heybta dadka muhaajiriinta ah ee ku dhintay xeebaha Jabuuti.