TEHRAN(HALBEEG)- Iiraan ayaa xalay 180 gantaal ku weerartay Israa’iil kuwaas oo intooda badan la qabtay sida ay sheegeen.
Magaalooyinka Tel Aviv iyo Yafa ayaa la arkay gantaallo badan oo ku dhacaya, waxaana jiray qaraxyo joogto ah markii ay difaaca gantaalaha ee Israel, Iron Dome, soo ridayeen.
Codka wiisha ayaa isna laga maqlayay magaalooyinka Israel iyada oo dadweynaha loogu baaqayay in ay galaan xarumaha gabbaadka qaraxyada.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Israa’iil – Daniel Hagari – ayaa sheegay in weerarka uu yeelan doono cawaaqib xun.
Saacado kaddib duqeyntii gantaalaha ridada dheer ee Iiraan, ciidanka cirka ee Israa’iil ayaa weerarro dheeraad ah ku qaaday waxa ay ku sheegeen bartilmaameedyo Xisbullah ay ku lahayd caasimadda Lubnaan, Beyruut.
Iiraan ayaa sheegtay in 90% gantaallada ay garaaceen bartilmaameedyadooda, iyagoo sheegay in gantaallada guuxooda ka dheereeraya la isticmaalay markii ugu horeysay. Waxay intaa ku dartay in saddex saldhig oo milatariga Israa’iil lahayd la beegsaday.
Iiraan waxay sheegtay in weerarradan ay jawaab u yihiin dilka Israa’iil ee mid ka mid ah taliyayaasheeda ugu sarreeya iyo hoggaamiyeyaasha xoogagga ay Iiraan taageerto ee gobolka.
Waxay xustay dilkii loo geystay madaxii Xisbullah Xasan Nasrallah iyo taliyihii IRGC Abbas Nilforoshan ee caasimadda Lubnaan ee Beirut 27-kii Sebtembar.
Madaxweyne Joe Biden ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Mareykanka ee Israa’iil kadib weeraradii gantaallada ee Iiraan.
Waxa uu weerarka Tehran ku tilmaamay mid laga adkaaday oo aan waxtar lahayn.
Biden ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay Israa’iil kala shaqeeyeen sidii ay isaga caabin lahaayeen weerarka Iiraan.