GAZA(HALBEEG)- Ciidamada Yuhuudda ay duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Beit Lahia, ee waqooyiga Qaza ku dilay ugu yaraan 73 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay sheegeen maamulka Falastiiniyiinta ee Xamaas.
Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawacantay, qaar badanna weli waxay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ka dib duqeyntii xalay, sida ay saraakiishu intaa ku dareen.
Duqeymaha ayaa ku soo aadaya saacado uun kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in “rasaas culus” ay ciidamada Israa’iil ku fureen isbitaalka Indonesia ee ku yaalla bartamaha magaalada.
Saraakiisha caafimaadka Qaza waxaa kale oo ay sheegeen in dagaalka iyo duqeymaha haatan ka jira magaalada Beit Lahia, ay saameyn ku yeesheen isgaarsiinta iyo adeegyada internetka gobolka.
Xafiiska warbaahinta dowladda ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday “xaafado badan” ayna ku dhinteen 73-qof.
Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay in duqeymaha ay gebi ahaanba ku burburay dhismeyaal la deganaa.