MUQDISHO(HALBEEG)- Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta meel mariyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada, waxaana oggolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday saddex Xildhibaanna way ka aamuseen.
Sidoo kale Xildhibaanadda ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana oggolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamuseen.