BEIRUT(HALBEEG)- Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay Naciim Qaasim inuu noqonayo hoggaamiyaha cusub ee kooxda ee badalaya Xasan Nasrallaah hoggaamiyihii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka gaysatay magaalada Bayruut bishii hore.
Naciim Qaasim ayaa horey u ahaa xoghaye ku xigeenka kooxda.
Qaasim ayaa ka mid ah hogaamiyayaasha sare ee Xisbullaah ee weli nool, kadib markii Israa’iil ay ku dishay inta badan hoggaamiyayaashii kooxda weeraro taxane ahaa oo dhacay todobaadyadii la soo dhaafay.