MUQDISHO(HALBEEG)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu ansixiyey kaasoo ahaa in howlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo beddelo howlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.
Kulan uu maanta yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar lagu beddelayo howlgalka teegaarada QM ee UNSOM, waxaana laga dhigay howlgal kumeel gaar ah oo loogu magac daray UNTMIS, iyadoo hannaanka kala guurkiisa uu bilaabanayo 1 November 2024.
Qaraarkan ayaa ahaa soo jeedintii ay gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taasoo codsaneysay in dib u eegis lagu sameeyo Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee UNSOM.
Qaraarkan oo ay Golaha Ammaanka horgaysay UK, waxa uu u codeeyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.
Waxaa lagu sheegay in xilliga kala guurka ah howlaha taageerada Qaramada Midoobay ee dalka loogu yeeri doono howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS).
Qaraarka ayaa lagu xusay in xil wareejinta xafiiska UNSOM ay bilaaban doonto 1-da Nov.
Ergeyga UK u qaabilsan Qaramada Midoobay Barbara Woodward ayaa ku tilmaamtay codeynta qaraarka inuu yahay bilawga xilliga muhiimka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa 9-kii bishan ku dhawaaqday go’aanka ay ku joojisay howlihii UNSOM.
Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay Qaramada Midoobay ayaa lagu codsaday in howlaha UNSOM la soo afjaro, isla markaana aan la cusboonaysiin waqtiga howlgalka oo ku eg bisha Oktoobar.