KISMAAYO(HALBEEG)- Warqad kasoo baxday xafiiska hoggaamiyaha Jubbalaan Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa kulan wadatashi la iskugu yeeray xildhibaannada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaannada Jubbalaan.
Warqada kasoo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa u qorneeyd “Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ku matala Dowladda Jubbalaan waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee Jubaland taariikhda 8-11 November 2024”.
Arintaan waxa ay ka dambeeysay kaddib markii maalinimadii Axadda ay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay xilalkoodi iska casileen.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdirashiid Jire Qalinle iyo wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Waxbarashada ee Xildhibaan Axmed Cisman Ibrahim (Daqare) oo labaduba degaan ahaan kasoo jeeda Jubaland ayaa warqadahoodi iscasilaada u gudbiyay RW Xamse Cabdi Barre.
Labada Wasiir ee is casilay ayaa isku aragti waxa ay ka ahaayeen kala fogaanshaha iyo dhibaatooyinka ay Dowladda Federaalka ku hayso maamulada SSC, Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay wado fowdo siyaasadeed iyo khilaafaad dhanka awoodda ah.