NAIROBI(HALBEEG)- Hashim Dhaqane Muxumed, oo ah eedeysanaha dilka qoys Soomaaliyeed oo saddex gabdhood oo Soomaali ah ka koobnaa, ayaa ku sii jiri doona gacanta booliska muddo 21 maalmood, iyadoo ay sii socon doonaan howlaha baaritaanka.
Ninkan laga shakisanyahay ayaa shalay la hor keenay maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi, taas oo waaxda dambi-baaristu codsatay in la sii kordhiyo mudada uu xabsiga ku jiri doono, ilaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo howlaha baaristiisa.
Waxay sidoo kale codsadeen, in la siiyo wakhti dheeri ah oo ay ku baaraan kiiska saddexdii gabdhood ee la dilay oo meydadkoodana laga helay goobo kala duwan.
Hashim ayaa haatan ku xiran saldhiga booliska Ruaka ee dalka Kenya. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi.
Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabatay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi.