ISLAMABAD(HALBEEG)- Ugu yaraan 22 qof ayaa dhimatay 46 kalena weey dhaawacmeen kaddib qarax ka dhacay boosteejo tareenka laga raaco oo ku taalla magaalada Quetta ee caasimadda gobolka Balochistan.
Taliska booliska Bakistaan ayaa sheegay mid kamid ah tareennada ay miino la qaraxday xilli uu doonayay in uu u dhaqaaqo Peshawar.
Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in ay suuragal tahay in tirada dadka geeriyooday ay sare u sii kacdo maadaama xaaladdoodu culustahay.
Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi dhiigga badan ku daatay.
Waxaa sii kordhaya weerarrada hubeysan ee ka dhacaya waqooyi galbeed ee dalka Bakistaan halkaas oo uu ka jiro kooxo fallaago ah.
Koox hubeysan oo gooni u goosadka u doonaysa ayaa gobolka Balochistan ayaa beegsi ku heysa shaqaalaha dowladda ee ka imanaya gobollada kale ee Bakistaan iyo kuwa shirkadaha shisheeye.
Kooxdan ayaa horay u beegsatay danaha Shiinaha ito Shiineyska ee ka howgala gobolka.