KISMAAYO(HALBEEG)- Hoggaamiyaha maamul goboleedka Jubbalaan Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa magacaabay guddiga madaxabannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbalaan.
Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood waxaana uu faray in ay soo diyaariyaan doorasho dadban xilli Dowladda Federaalka ay diiday in dalka laga qabto wax aan ka aheyn Doorasho qof iyo cod ah.
Magacaabista guddigan ayaa sii kordhin khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya hoggaamiyaha Jubbalaan iyo Dowladda Federaalka taas oo dhabarjab ku noqon doonto aragtida madaxweyne Xasan Sheekh ee ku salaysan in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah
Halkan hoose ka akhriso magacyada xubnaha guddiga uu magacaabay Axmed Madoobe