KISMAAYO(HALBEEG)- Maamul goboleedka Jubbalaan ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay xiriirkii wada-shaqeyn ee uu la lahaa xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbalaan ayaa sheegtay in Jubbalaan ay xaq u leedahay qabashada iyo maamulka doorashadeeda.
“Iyadoo raacaysa dastuurka ku-meel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubbalaan kana dheeraanaysa wax kasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay u madax-banaan tahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubbalaan, sida uu qabo qodobka 120-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62-aad iyo 80-aad ee dastuurka Jubbalaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbalaan.
Waxay intaas ku dartay “Dowladda Jubbalaan waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabitaanka shacabka Jubbalaan”
Khilaafka Jubbalaan iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo, ayada oo dowladda federaalka ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah, halka Axmed Madoobe uu ku adkeysanayo doorasho dadban.
Khilaafka labada dhinac ayaa soo shaac baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horraantii October kaddib markii uu shirka isaga baxay hoggaamiyaha Jubbalaan Axmed Madoobe.
Khilaafka ayaa cirka isku shareeray xalay kaddib markii Axmed Madoobe uu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 7 xubnood isla saacado gudahoodna wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay tallaabadaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah.
Jubbalaan ayaa noqonaysa muamul goboleedkii labaad ee xiriirka u jara Dowladda Federaalka, ayada oo sidoo kale horey ay Buntilaan xiriirka ugu jartay Muqdisho.