KHARTOUM(HALBEEG)- Hoggaamiyeyaasha dalladaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ee Suudaan ayaa sheegay in maleeshiyada fallaagada ee ka amar qaadata Janaraal Cabdalla Xamduuk ay dad badan oo rayid ah ku dileen bariga iyo waqooyiga Ismaamulka alJazeera.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in tan iyo 20kii Oktoobar maleeshiyadaasi ay dileen 1,237 qof sidoo kalena ay barakiciyeen dadweynihii deggenaa in ka badan 400 oo tuulo oo ka mid ah 514 tuulo oo dhaca Ismaamulka Jazeera.
Urur u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah ee gobolkaas ayaa sheegay in dadkaasi ay u dhinteen rasaas iyo waliba macaluul iyo cudurro ka dhashay cunaqabataynta fallaagadu ku soo rogeen gobolkaas.
Ismaamulka Jazeera ayaa tan iyo bishii Oktoobar wajahay weerarro ka imananay fallaagada Dacm Sariic kaddib markii Abu Caqlah Keykal oo ahaa sarkaal sare oo kamid ah fallaagada uu ku biiray safka ciidamada dowladda.
Tan iyo bishii Abriil ee 2023-kii dalka Suudaan waxaa ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa fallagada ah oo sababay dhimashada 20 kun oo qof iyo in ka badan 13 milyan oo qof oo qaarkoodna ay barakaceen kuwa kalena ay qaxooti noqdeen.
Baaqyada caalamiga ah ee la doonayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda dalka Suudaan ayaa sii kordhaya iyada oo dagaalladu ku baaheen 13 ismaamul oo kamid ah 18-ka ismaamul ee uu dalkaasi ka koobanyahay.