RIYAD(HALBEEG)- Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dalalka carbeed iyo kuwa Islaamka ayaa lagu wadaa in maanta uu shir uga furmo magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga.
Masuuliyiinta ayaa ka arrinsanaya sidii ay go’aan mideysan ay uga yeelan lahaayeen gardarrada Yuhuudda ee ka dhanka ah ah magaalada Gaza iyo dalka Lubnaan.
Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka mid ah madaxda shirka ka qeybgalaysa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Amiirka Qatar iyo madaxweynaha Turkiga ayaa Iyana ka qeybgalaya shirweynaha.
Madaxweynaha Iiraan Masud Pezeshkian ayaa isagu ka cudur-daartay ka qeybgalka shirka isaga oo sheegay in uu soo dirayo ku xigeenkiisa Maxamed Rida Caarif.
Shir kan la mid ah oo ay madaxdu qabteen 2023 ayay ku eedeeyeen Israel in ay xasuuq iyo falal ka dhan ah bani aadannimada ay ku kacday iyaga oo intaa ku daray in xasuuqaasi aanu ahayn mid ay ku difaaceyso nafteeda.
Madaxda ayaa xilligaa codsaday in cunaqabataynta laga qaado Gaza lana geliyo gurmad bani aadannimo isla markaana la taageero wakaaladda UNRWA sidoo kalena Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ka codsatay in ay soo saarto go’aan lagu joojinayo xasuuqa Israel isla markaana tallaabo looga qaadayo dalalka ku taageeraya dagaalka si waafaqsan shuruucda caalamiga ah inkasta oo aanay baaqyadaasi waxba ka hirgelin.