PORT-AU-PRINCE(HALBEEG)- Golaha maamula dalka ayaa shaqada ka eryay Raysalwasaare Garry Conille lix bilood kaddib markii uu xafiiska yimid.
Amarka xukunka looga tuuray oo ay saxiixeen sideed ka mid ah 9-ka xubnood ayaa lagu magacaabay ganacsade hore u soo noqday sanater Alix Didier Fils-Aime in uu noqdo raysalwasaaraha cusub.
Conille oo la magacaabay bishii June, horena u ahaa sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa loo xilsaaray in uu Haiti ka saaro qalalaasaha amni ee kooxaha burcadda iyo in uu dalka u diyaariyo doorashada madaxweynaha.
Dastuurka Haiti baarlamaanka oo kaliya ayaa eryi kara raysalwasaaraha, tani waxay su’aalo ka keentay sharciga golahan u haystaan in ay shaqada ka eryaan raysalwasaaraha.
Golaha waxaa la dhisay bishii April kaddib markii kooxaha burcadda ay ku qasbeen madaxweynihii hore in uu xukunka ka dego.