WASHINGTON(HALBEEG)- Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in ay gantaallo ku weerareen markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Pentagon-ka Mareykanka weerarradaan ayaa la fashiliyay oo aan u dhicin sidii loogu tala galay.
Ugu yaraan 8 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ee maraakiibta iyo saddex gantaallada lidka maraakiibta ah ayaa Isniintii lala beegsaday USS Stockdale iyo USS Spruance.
Maraakiibta ayaa soo ridey madaafiicda, mana jiraan “wax khasaare ah oo ka dhashay, iyo cid wax ku noqotay,” ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Major Jeneraal Pat Ryder.
Weerarkan ayaa daba socday duqeymo isdaba joog ahaa oo taliska dhexe ee Mareykanka uu ku qaaday saldhigyada keydka hubka ee Xuutiyiinta Yemen.
Weerarka ayaa dhacay xilli kooxda fallaagada ay taageerto Iran ay ku socdaalayeen marin biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah marin-biyoodka u dhexeeya badda cas iyo gacanka cadmeed.
TV-ga Al-Masirah oo ah Telefishinka ugu weyn ee ay maamulaan Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah lagu beegsaday labo markab oo kuwa dagaalka ah oo Mareykanku leeyahay iyo markab saddexaad oo marayay badda.
Afhayeenka milateriga kooxda, Yxaye al-Sarea, ayaa bayaan uu soo saaray oo lagu baahiyay barta X, ku sheegay in fallaagadu ay “ku guulaysteen” inay ku garaacaan markabka USS Abraham Lincoln tiro gantaallo ah.